USA-(Berberanews)-Guddida Adeegga Hubka ee Aqalka Wakiilada Maraykanka oo qaaday talaabooyin lagu dhalinayo iskaashi adag oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.
Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA) ee Sannad-maaliyadeedka 2023 waxa uu aqoonsanayaa danaha Maraykanka ee “Ilaalinta iyo ballaadhinta xasiloonida iyadoo la kaashanayo asxaabta dimuqraadiga ah” sida Somaliland oo uu farayo Wasaaradda Gaashaandhigga inay baadho suurto galnimada iskaashi amni oo xooggan oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.
Hagitaankooda, guddigu wuxuu farayaa Waaxda Difaaca ee Maraykanka inay sahamiyaan oo ay ka warbixiyaan dhinacyo badan oo iskaashi ah, oo ay ku jiraan wadaagis sirdoon, leyli ciidan oo wadajir ah iyo tababaro, iyo hawlgallada badda, iyo kuwo kale.
Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka ayaa boggaadiyay talaabadda ay qaadeen Guddida Adeegga Hubka ee Aqalka Maraykanku.

