India-(Berberanews)-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa la la’yahay ka dib markii ay dabaylo lama filaan ah ka da’een meel u dhow godka barakeysan ee Amarnath ee ku yaalla gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, sida ay booliisku sheegeen.
Masiibada oo Jimcihii ka dhacday meel u dhow godka buuraleyda ah ee ay xushmeeyaan Hinduuga ayaa biyuhi waxay qaadeen ilaa labaatan xero iyo laba madbakh oo ka samaysan cooshado, sida ay saraakiishu sheegeen.
Dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ayaa ku sugnaa buuraha markii roobku da’ay
“10 ilaa 15 daqiiqo gudaheed xooga biyuhu waxa ay noqdeen kuwo la baxay teendhooyinkii, teendhooyin badan ayaa la waayay, waxaanu helnay xog ah in ugu yaraan 20 ilaa 25 teendho,” ayuu yidhi Bilayska Xuduudaha Indo-Tibetan, Vivek Pandey.
Waaxda maareynta musiibooyinka ee gobolka ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay baadi goobayeen dhowr qof oo la la’yahay.
Taliyaha booliiska Kashmir, Vijay Kumar ayaa sheegay in howlgal samatabbixin ah lagu soo saaray 8 meyd ah kadib markii biyuhu ay ku soo dhaceen meel u dhow godka.
“Qaar ka mid ah teendhooyinka iyo madbakhyada bulshada ayuu la tagay daadku,” ayuu yidhi.
Raiisel wasaaraha India Narendra Modi ayaa tacsi u diray fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdada.