Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka digay khatar kasoo fool leh Shiinaha

UK-(Berberanews)-Madaxda laamaha ammaanka ee Maraykanka iyo UK ayaa si aan horay looga baran oo wadajir ah uga hadlay wax ay ku tilmaameen khatar dhinacyo badan leh oo ka imanaysa dalka Shiinaha.

Agaasimaha hay’adda FBI, Christopher Wray, ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay khatarta ugu weyn ee labada waddan ay wajahayaan, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay waddo faro-gelin siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Ken McCallum oo madax u ah hay’adda MI5 ee UK ayaa sheegay inay saddexdii sano ee la soo dhaafay laba-laabeen ka hortagga falalka Shiinaha uu wado.

Christopher Wray ayaa shirka jaraa’id ee ay wadajirka London ugu qabteen asaga iyo Ken McCallum waxa uu ku sheegay in haddii Shiinaha uu xoog ku qabsado Taiwan, ay taasi “yeelan doonto saameyn dhaqaale oo aan horay looga arag caalamka.”

Taliyayaasha labada hay’adood ayaa uga digay ganacsatada iyo aqoonyahanka dalalkooda khatarta uga iman karta Shiinaha, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay “xaddo fekerka iyo tiknoolajiyadda”.

McCallum ayaa shirka jaraa’id uga hadlay arrimo uu sheegay inay ogaadeen sirdoonka labada waddan. Waxa uu tilmaamay in khabiir duulimaadyada ah oo u dhashay Britain lagu casuumay Shiinaha, kadib laga codsay xog xasaasi ah oo ku aaddan diyaaradaha dagaal ee waddankiisa.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay si toos ah u faro-gelisay doorashada xubin Congress-ka ah oo dhawaan ka dhacday magaalada New York, maadaama uu dalkaas diidannaa inuu doorashadaas ku guulaysto musharrax dhaliila siyaasadaha Beijing.

Waxa uu intaa ku daray in musharraxaas lagu furay dacaayado noocyo badan, markii wax la loodin waayayna uu Shiinaha damcay inuu ku dilo shil gaari oo la qorsheeyay.

Christopher Wray ayaa tilmaamay in Shiinaha uu casharro badan ka qaatay colaadda Ukraine. Xukuumadda Beijing ayuu sheegay inay u diyaargarowday cunaqabateyn uga timaada caalamka haddii ay ciidamadeeda ku duulaan Taiwan.

“Qalqalka dhaqaale ee ka dhalan kara tallaabo noocaas ah ayaa aad u baaxad weyn, waxaana maalgashiga Galbeedka ee Shiinaha uu noqon doonaa mid lahayste ah, iyadoo uu Shiinaha hakad ku keeni doono isu socodka badeecooyinka caalamka,” ayuu yiri Wray.

Madaxa hay’adda MI5 ayaa ku taliyay in dalkiisa uu meelmariyo shuruuc cusub oo uu kula tacaalayo khatarta uga imanaysa Shiinaha, ayna muhiim tahay in shacabka UK ay fahmaan xajmiga ay leedahay dhibaatada uu ka hadlay.

@Bbc Somali