Dilaaga aamusan!

Dhakhtarka caan ka ah ee *Raymond Francis* waxa uu soo bandhigay qaab cusub oo laysaga ilaaliyo cudurka dilaaga ah ee kansarka (Cancer) sidoo kalena uu isaga daawayn karo qofka uu ku dhacaa isaga oo aan isticmaalin daawooyinka lacagta badani ku baxdo ee kiimikada ka samaysan. 

Dr Raymond Francis waxa uu qoray Sadex buug oo ku saabsan sidii qofku u ilaalin lahaa caafimaadkiisa ayna muhiim tahay in qofku akhristo, sadexdan buug oo kala ah:

1- Weligaa Mardaba Ha Xanuunsan(Never Be Sick Again)

2- Waligaa Mar  danbe ha buurnaan(Never Be Fat Again)

3- Weligaa ha ka cabsan kansarka(Never Fear Cancer Again).

Diktoorku wuxuu buugtan qoray ka dib markii uu ka kacay xanuun muddo dheer uu u jiifay oo ku dhacay 1985 isagoo da’diisu tahay 45 sanno dhakhaatiirtuna ka quusteen wax ka qabashadiisa, hadaba waaya aragnimadii uu ka dhaxlay intii uu la tiicaayay xanuunkaas waxay u horseeday in uu ogaado asbaabta ugu muhiimsan ee qofka caafimaadkiisa  wax yeelaysa iyo qaabka ugu haboon ee looga hor tegi karo, sida uu xusay digtoorku hada oo uu jirro 76 sanno muddo Dheer oo 15 sanno ah lama uu kulmin dhibaato caafimaad marka laga reebo hargab ku dhacay mar qudha.

Furaha caafimaad ee ugu muhiimsan dhextaalkana  u ah buugaagtiisa waa in qofku:

 1- uu ka fogaado isticmaalka sonkorta gabigeedaba.

2- in qofku uu joogteeyo oo sameeyo jimicsiga iyo ciyaarista ciyaaraha.

3- in qofku cuno cunto dheeli tiran oo jidhka siisa waxyaalaha uu u baahanyahay.

Diktoorku isagoo ka hadlaaya arimahaas waxa uu yidhi: 

✅Sonkortu waxay keentaa durayga( flue) iyo qabowga, ✅Malqacadda sonkorta ahi waxay hoos u dhigtaa difaaca jidhka 50% boqolkiiba,

✅ Daasadda ًkookaha ahi (cola) waxay hoos u dhigtaa difaaca jidhka 6-8 saacadood maadama ay ku jirto sonkor badani.

✅ Sonkortu waxay keentaa xanuunka khalkhalka iyo ilowga (Alzheimer) 

✅ Sonkortu waxay quudisaa oo korisaa unugyadda kansarka, daawayntooduna waa in aan la isticmaalin sonkorta.

✅ Isticmaalka sonkortu waa sababta keenta cudurada wadnaha ku dhaca.

✅ Sonkortu waxay keentaa in qofka miisankiisu kordho.

✅ Sonkortu waxay keentaa in jidhku kaydiyo dufanka.

✅ Digtoorku waxa uu tilmaamay in aanu jirrin xanuun qofka ku dhacaa haduu jirrana sonkortu xidhiidh bay ku leedahay. 

Sidoo kale mar Dr.Raymond Francis ka hadlaayay sida aanay waalidku ugu baraarugsanayn khatarta sonkortu u leedahay caafimaadka ubadka waxa uu yidhi : “Aabayaashu ma ogola oo ma jecla  in ubadkoodu cabaan khamrada iyo sgaarka laakiin nasiib darro waxay u soo iibiyaan caruurtooda oo u keenaan macmacaanka iyo xalwadda oo ka halis badan kuwaa aynu soo sheegnay”.

Gunaanadkii waxaa inala gudboon in aynu qaadano talada dhakhtarku inoo soo gudbiyay oo akhrino bugaagtaas oo lagu turjumay afaf badan waxaana muhiim ah in laga fogaado Sonkorta oo ah dilaa aamusan (silent killer).

Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse)凌