Madaxweynaha Somalia a oo shaaciyey siyaasad cusub oo uu maamulkiisu ku wajahayo Al-shabaab

ANKARA —(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Mr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay aanay xilligan joogin marxalad uu maamulkiisu kula xaajoodo ururka Al-shabaab, balse ugu dambayn ay qasab tahay in wadahadallo toos ah lala furo kooxdaas.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadlay dalka Turkiga oo uu booqasho ku joogo, ayaa daboolka ka qaaday in ugu dambayn dawladdiisu wada-xaajood la yeelan doonto Al-shabaab, isla markaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah.
Waxa uu intaa ku daray in dawladdiisu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee doonaya inay ka hadhaan gacan-ka-hadalka iyo fikirka xagjirka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdiisu doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-shabaab, kuwaas oo kala ah mid millatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.
Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey kooxdaas aanay ahayn mid ku filan, waxaanu tilmaamay in siyaasadda ah in Al-shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guuldarraysatay.
Madaxweynaha ayaa xusay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga.
Waxa kale oo uu sheegay in dawladdiisu doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’ado dawli ah.

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale ammaanay xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo uu sheegay in aannu ku salaysnayn oo qudha taageero bani’aadaminnimo, balse sidoo kale uu la xidhiidho iskaashi dhinacyo badan leh.