Maayirka Berbera oo ku gacansaydhay in Biyo-kulule laga fuliyo mashruuc dalxiis

Berbera-(Berberanews)-Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa ku gacansaydhay amar kasoo baxay wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Saajin oo ku saabsan in deegaanka Biyo-Kulule laga fulinayo dhismayaal dalxiis.

Wasiirka ayaa sheegay in deegaanka biyo kulule wasaaraddiisu ka dhisayso dhismayaal loogu talo galay dadka dalxiiska iyo Caafimaadka u taga deegaankaasi balse maayir Ciddin, oo qoraal ugu jawaabay wasiirka ayaa sheegay in dhulkaasi dad gaar ahi leeyihiin.

Waa markii labaad ee Maayirka Berbera sheego in aan dhulkaasi laga dhisikarin goobo ay ku nastaan dalxiisayaashu.

Biyo kulule, ayaa ah goob dabeeci ah oo dadbadani meelo kala duwan uga yimaadaan.

Berberanews.net
Info@berberanews.com