Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo cashuurta ka dhintay cuntooyinka daruuriga ah

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay ganacsatada ku daba geli doonto qiimaha ay raashinka kaga iibinayaan bulshada

Hargeysa -(Berberanews)- Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cashuurta ka dhintay noocyada raashinka daruuriga ah lixda bilood ee ka dhiman sannadkan 2022-ka.
Warsaxaafadeed lagu faahfaahiyey wareegto cashuur-dhimis ah oo uu saaray Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire maanta, waxa uu u qornaa sidan:
“Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa culaysyada dhaqaale ee ay ugu weyn yihiin sicir-bararka iyo cunto-yaridu, kuwaas oo ay keeneen duruufaha siyaasadeed iyo nabadgalyo ee dunida iyo gobolkaba ka jira.
Waxa ay lix bilood oo kale ku dartay cashuur-dhimis dhan 10% (boqolkiiba toban) oo ay u samaysay cuntooyinka daruuriga ah sida:

  1. Bariiska
  2. Daqiiqda
  3. Sonkorta
  4. Iyo Saliidda.
    Sannadkan bilowgiisii ayey Wasaaraddu cashuur-dhimis u samaysay cuntooyinka daruuriga ah, taas oo ku ekayd January-June/2022. Balse mar haddii xaaladdu ka soo rayn weyday Wasaaraddu waxay garatay in ay lagama maarmaan tahay in la sii wado cashuur-dhimista sannadka in ka hadhay, taas oo macnaheedu yahay in cuntooyinka aasaasiga ah cashuur-dhimis loo sameeyey sannadka oo dhan. Waxase xusid mudan in ay doorkan ku jirto saliidda, taas oo aan markii hore la socon waxyaabihii loo sameeyey cashuur-dhimista.
    Ugu damayn, waxa aannu u sheegaynayaa ganacsatada soo dejiya cuntooyinka aasaasiga ah ee ku xusan wareegtada Wasiirka Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda, in ay ganacsatadu dhinacooda xisaabta ku darsadaan marka ay jarayaan qiimaha ay ku wax kaga iibinayaan bulshada, iyadoo hay’adaha dawladda ee arrintani khusaysaana qiimayn joogta ah ku samayn doonaan.”