Uganda oo beenisay inay tobabar siinayso Xoogaga Mucaaridka Ethiopia

Uganda-(Berberanews)-Ciidamada Uganda ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay isku dayayaan in ay xasilooni darro ka abuuraan dalka Itoobiya iyagoo tababaro iyo taageero siinaya kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo tan iyo 2020 dagaal kula jirta dowladda Itoobiya.

Warbixinnada ayaa u muuqda inay markii ugu horreysay ka soo baxeen bishii March xarumaha internetka ee Itoobiya.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Brigadier Felix Kulayigye, ayaa Axaddii Twitter-ka ku soo qoray in isku-dayga lagu eedeyay Uganda ee lagu carqaladaynayo Ethiopia ay yihiin kuwo been abuur ah.

Maqaal tafatiran ayaa todobaadkii hore ka soo baxay shabakad internet ka ah oo fadhigeedu yahay New Zealand, iyada oo ay la socoto liis ay ku qoran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda iyo qaar kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka, kuwaas oo la sheegay in ay hormuud ka ahaayeen hawlgalka tababar ee ka socda degmada Masaka ee badhtamaha Uganda.

Dukumeentigu wuxuu muujinayaa in in ka badan 4,000 oo askari oo Tigray ah lagu tababari doono afar xarumood oo kala duwan oo Uganda ah.

Waxay kaloo sheeganaysaa in hawlgalka tababarka ay taageerayaan Maraykanka iyo Masar.

Mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee lagu magacaabay warbixinta waa wiilka madaxweynaha iyo taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda General Muhoozi Kainerugaba, kaas oo 2021 ku soo qoray bartiisa twitter-ka isagoo taageeraya ciidamada Tigrayga, isaga oo ula jeeda “walaalo”.

Wali ma cadda in dukumeentigu inuu sax yahay ama uu qayb ka yahay ololaha wararka been abuurka ah.

Shabakadda New Zealand, oo loo yaqaan Scoop, ayaa sheegtay in aanay xaqiijin karin isha iyo in tafaasiisha ay sax tahay iyo in kale. Balse iskhilaafsam.

Waxa ay James Kabarebe ku sheegtay in uu ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Uganda, balse waddanku waligii ma yeelan wasiir magacaas lagu magacaabo.

Sarreeye Guuto Kulayigye ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in howlgalka lagu eedeeyay in ay iska kaashadeen Uganda iyo Suudaanta Koonfureed, sababtoo ah safiirka Uganda u jooga Koonfurta Suudaan oo lagu magacaabo xidhiidhiiyaha qeybta howlgalka, ayaan waligii la kulmin jeneraal u dhashay Suudaanta Koonfureed.

Uganda waxay leedahay taariikh ku lug leh colaadaha bariga iyo Geeska Afrika oo dhan.

Ciidankeeda ayaa hadda dagaal kula jira koox fallaago ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uganda oo ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo loo diro Soomaaliya si ay ula dagaallamaan xoogagga Al-shabaab oo qayb ka ah ciidammada Midowga Afrika, waxayna qayb ka ahayd sugidda ammaanka dowladda Koonfurta Suudaan markii ay isku dhaceen Madaxweyne Salva Kiir iyo ciidamadii uu xilligaasi ku xigeen ka ahaa sannadkii 2013-kii.

Uganda waxa ay sidoo kale dagaal kula gashay ciidamada Rwanda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo horaantii 2000-meeyadii.