Somaliland: Ergo isku xilqaantay Xiisadda Siyaasadeed oo dirqi lagu baajiyay

Hargeysa-(Berberanews)-Ergo ka kooban culimada iyo aqoonyahanka Somaliland ee isu xilqaamay inay waan waan ku xaliyaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka, ayaa la sheegay in dirqi lagaga baajiyay shir jaraa’id oo ay bulshada ugu soo bandhigi lahaayeen cidda fashilisay dedaalkooda.

Warbaahinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegtay in ergadaaso doonaysay inay shacabka usoo bandhigaan in cidda diidan xalku ay tahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, balse ergo kale oo uu Madaxweynuhu u diray baajiyeen war-saxaafadeedkooda.

Warka kasoo baxay XIsbiga Waddani, ayaa u qornaa sidan:-

“Ergadii is xilqaantay oo doonnayey inay warbaahinta la hadlaan hadda, isla markaana ay bushada u sheegaan in Madaxweyne Biixi yahay gardiid, ayaa la sheegay inuu hadda Madaxweynuhu ergo u diray si loo baajiyo shir saxaafadeedka ay ka qabanayeen.”