Libya: Bannaanaxayaal dab qabadsiiyay Xarunta Baarlamaanka

Libya-(Berberanews)-Mudaaharaadayaasha ayaa xoog ku galay xarunta baarlamaanka Liibiya ee ku taal bariga magaalada Tobruk, waxayna dab qabadsiiyeen qeyb ka mid ah dhismaha.

Sawirro la soo dhigay online ayaa muujinayay tiirar qiiq ah iyadoo dibad-baxayaashu ay dibadda ku gubeen taayiro.

Magaalooyinka kale ee Liibiya waxaa ka dhacay isu soo baxyo looga soo horjeedo korontadda oo sii socota, kor u kaca qiimaha iyo siyaasadda.

Magaalada caasimadda ah ee Tripoli oo ay ka taliyaan maamul ay iska soo horjeedaan, ayaa dibadbaxayaashu waxay ku baaqeen doorasho.

Dalabkooda waxaa taageeray madaxa xukuumadda midnimada ku meel gaadhka ah, Abdul Hamid Dbeibah, oo sheegay in loo baahan yahay in dhammaan hay’adaha dalka wax laga beddelo.

Qalalaasahan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay Qaramada Midoobay gadhwadeen ka ahayd wadahadallo lagu gogol xaashayay in doorashada lagu qabto ay ku dhamaadeen wax yar oo horumar ah.

Liibiya ayaa waxaa ku jirtay fowdo tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii Nato ay taageerto sanadkii 2011-kii ee xilka looga tuuray hogaamiyihii mudada dheer xilka hayay Col Mucamar Al-Qadaafi.

Dalka saliida qaniga ku ah, oo ah goob muhiim ah oo ay ka dhoofaan qaar ka mid ah kumannaanka muhaajiriinta ah ee u socdaalaya Yurub, ayaa mar lahaan jiray mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee nolosha Afrika, oo leh daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.

Balse xasiloonidii u horseeday barwaaqada ayaa burburtay, waxaana magaalada Tripoli ka dhacay dagaallo isdaba joog ah oo u dhaxeeya xoogagga iska soo horjeeda.