Alle haw Naxariistee waxa geeriyootay Fannaanadii Khadra Daahir

Hargeysa-(Berberanews)-Alle haw naxariistee waxaa goor dhawayd ku geeriyootay fannaanadii weynayd ee Khadra Daahir Cige

Khadra daahir Cige waxay ka mid ahayd haldoorkii  fannaaniintii Kooxdii Waaberi ee xiligii Dowladii Somalia, waxaanay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecelyahay dhammaan geyiga Somalida

Fannaanadu waxa muddooyinkii u danbeeyay deganayd magaalada hargeysa.

Geeerida Khadra Daahir Cigeh, ayaa ka danbaysay xannuun kusoo boodo ah oo muddo todobaad ah ay u jiiftay Cusbitaalka.

Bahda Shebekadda Berberanews iyo hawlwadeennadeedu waxay Tacsi u dirayaan qoyskii ehladii iyo umadda Somaliyeed ee ay ka baxday.