Maxkamadda Gabiley oo dembi ku wayday nin ku eedaysna aflagaadada madaxweynaha Jabbuuti

Gabiley  -(Berberanews)- Maxkamadda Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wax dembi ku wayday maanta Aarre Sulaymaan Cawleed oo ah muwaaddin u dhashay waddanka Jabbuuti oo lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey madaxweynaha dalkiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Xeer-ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda, lamana sii dayn Aarre Sulaymaan.
Aarre Cawleed, ayaa ah muwaaddin reer Jabbuuti ah, laakiin sannadihii la soo dhaafay ku noolaa Somaliland. waxana uu inta badan dhaliilaa hannaanka uu Jabbuuti u maamulo madaxweyne Geelle.
Waxyaabaha lagu eedeeyey Aarre, waxa ka mid ah in uu dilaa ku tilmaamay madaxweyne Geelle iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyey, balse dhammaan eedahaasi Maxkamaddu way ku wayday.