Xukuumadda oo dhagax-dhigtay wejiga 3aad ee dhismaha jidka Hargeysa  – Balligubadle

Balligubadle -(berberanews)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay wejiga saddexaad dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle iyo jid cusub oo dhexmari doona  magaaladaas.
Munaasibad lagu qabtay magaalada Balligubadle oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda  Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,  Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga marwo Yurub Abiib, Maayarka Degmada Balligubadle iyo Guddoomiyaha Gobolka Hawd, ayaa lagu dhagax dhigay wejiga saddexaad dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balligubadle iyo jid dhexmari doona magaalada iyo Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Gobolka Hawd,

Sidoo kale waxa la daahfuray Qorshe Magaaleedka cusub ee Degmada Balligubadle.