Somaliland oo joojinaysa qaadka uga yimaad Itoobiya

Hargeysa -(Berberanews)- Ganacsatada qaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ku gaadhay in ay si buuxda u joojiyaan jaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii beeralayda qoomiyadda Oromadu ku qaaliyeeyeen.
Afhayeen u hadlay ganacsatada waaweyn ee qaadka Itoobiya ka keena oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July ee soo socota ay gebi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Yemen iyo Kenya.
“Oromadii waxay tidhi kiloogii qaadka ahaa $10 ku keena, waxana LC-gu ahaa $2, markaa $8 ayaa la kordhiyey, sidaa darteed laga bilaabo bisha soo socota 6-deeda waannu joojinaynaa qaadka Itoobiya, waxana aannu ka dalbanaynaa Kenya iyo Yemen,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxa uu sheegay in go’aanka ay la ogtahay xukuumadda Somaliland “Sidaasi ayaannu ku wadahadalnay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo kastamku ka mid yahay, qof loo cashuuri karo bisha 6-deeda qaad, ama ka keeni kara Itoobiya ma jiro.”
“Yemeni wax  bay innaga iibsataa oo xoolaha ayey innaga iibsataa, qofka wax kaa iibsada in aad wax ka iibsataa waa waajib, Kenya-na waxaannu u raraynaa kalluunkayaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waxa kale oo ay xuseen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasoo ay sheegeen haddii ay dhacdo inay dhaqaale burbur ku keeenayso dhaqaalaha Somaliland, isla markaana dollarku qaaliyoobayo iyo in Oromadu go’aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada waddaniga suuqa ka saaraan.