Somalia oo sheegtay inay la imanayso siyaasad cad oo  wadahadalka Somaliland ah

Somalia-(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Muqdisho oo ku andacooday in xukuumaddiisu xoogga saari doonto isku soo dhoweynta Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho  – Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mr. Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inay dawladdiisu ka shaqayn doonto tabo iyo xeelado siyaasadeed cad oo isku soo dhoweynaya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Ra’iisal-wasaare Xamse oo ka qaybgalay munaasibad lagu xusayey 62-guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska oo lagu qabtay Madaxtooyada Muqdisho xalay, waxa uu ku andacooday in maamulkiisu xoogga saari doono isku soo dhoweynta Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxa kaloo uu ballanqaaday in xukuumaddiisu ka fogaan doonto wax kasta oo damqaya boogaha iyo tabashooyinka reer Somaliland ka tirsanayaan walaalahooda koonfureed.
“Maadaama dadka Soomaaliyeed ay dhinac walba isku xidhan yihiin, waxa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Soomaalinimada iyo walaalnimada, lagana fogaado wax kasta oo keenaya dhibaato iyo kala-fogaanshaha ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Barre.
Waxa uu xusay in 26ka June huwan tahay taariikh aad u dheer, ayna tahay maalintii ugu horraysay ee ummad Soomaaliyeed ka xaroobaan gumayste.

Ra’iisal-wasaare Barre waxa uu ku dooday in dadka reer Somaliland la’aantood aanay suurtogasheen gobonnimada bulshada Soomaalidu maanta ku faanayaan, isagoo sheegay in xukuumaddiisu dadaal xooggan ku bixinayso in dib loo soo celiyo wadahadalkii.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa joojisay wada-xaajoodkii ay kula jirtay dawladda Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay in maamulkii Muqdisho ee Farmaajo qaaday tallaabooyin liddi ku ah qaddiyadda goonni-isu-taaggooda.