Ra’iisal-wasaaraha Somalia: “Goonni-isu-taagga Somaliland waa in laga garaabo”

Muqdisho   -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mr Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in uu soo dhisi doono yo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga, dhammaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo ka-midho-dhalinta wadahadallada Somaliland.
Wareysi gaar ah oo Ra’iisal-wasaare Xamse Cabdi Barre uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da maanta, waxa uu ku sheegay in dawladdiisu sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ugu wada hadli lahaayeen xidhiidhkooda mustaqbalka.
Ra’iisal-wasaare Barre ayaa markii ugu horreysay ku dhiirraday in siyaasiyiinta Soomaaliya looga baahan yahay in laga garaabo qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ku timi sababo macquul ah.
“Arrinta waan go’nay ee Somaliland iskama iman, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wadahadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan doonaynaa,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo Somaliland wada yeeshaan wixii adeeg ah ee la jira dawladda federaalka ee dhaqaalaha la wada lahaa ah.
“Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas si walaaltinnimo ah loo wadaago iyo in dawladda federaalka ay mar walba fududeyso waxa u baahan fududeynta,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha.
Mr. Barre waxa uu intaas ku daray in marka hore loo baahan yahay in la dhiso kalsooni kahor inta aan laga fekerin dhanka farsamada ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Ra’iisal-wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee xil sare ka haya dawladda Soomaaliya ee garowshiiyo ka bixiya qaddiyadda goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
31 sanno ayaa laga joogaa markii Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.