Madaxweynaha Somaliland: “Somalia waxaan leeyahay aynu kala gar baxno”

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya in ay Somaliland ka garbaxdo, balse aanay keliya afmacaan uun kula hadal.
Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey xuska munaasinada maalinta xorriyadda Somaliland ee  26 June oo ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Hargeysa xalay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay gar dhigtaan.
“Dawladda cusub ee ay dhisanayaan reer Soomaaliya iyo ninkaas odayga ah (Xasan Sheekh Maxamuud) ee wadahadalladeenna iyo aynu xogogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaas wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waannu wanaajinaynaa: waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hakad galay in muddo ah, iyada oo xukuumadda Somaliland ay dawladda Soomaaliya ku eedeeysay in aanay daacad ka ahayn ka midho-dhalinta wadahadallada.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hore woxogaa horumar ah uga sameeyey wadahadallada Somaliland waqtigii hore ee uu talada hayey, ayaa laga rajaynayaa inuu dib u ambaqaado wada-xaajoodka labada dal u dhexeeya.