Madaxweyne Biixi iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka wadahadlay khilaafka taagan

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne Biixi oo kulan ballaadhan habka maqalka iyo muuqaalka kula yeeshay diblomaasiyiinta 11 dal oo ka mid waddamada Somaliland ka taageera dimoqraadiyadda

Hargeysa  -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) la yeeshay kow iyo toban (11) dibomaasi oo isugu jira safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda Beesha Caalamka ee ka taageera Somaliland dhinacyada dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa maanta, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu safiirrada iyo diblomaasiyiinta la wadaagay xaaladda guud ee dalku halka ay marayso; hadday tahay dhinaca horumarka, nabadgelyada, iskaashiga iyo wada-shaqaynta arrimaha mandaqadda Geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu safiirrada u sheegay halka ay marayso geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka qaranka Somaliland ku soo fool leh, isagoo tilmaamay in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen. Sida in ay Maxkamadda Dastuuriga ah ay go’aamisay in ururradu furan yihiin, ciddii u horraysay ee arrintaas aqbashayna ahayd xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo Maxkamadda Sare hambalyeeyey tallaabadaas.
Waxa kale oo Madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka uu waraaqo u diray Golaha Guurtida iyo xisbiga WADDANI, kagana dalbaday inay sida ugu habboon u soo buuxiyaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, halka xisbiga UCID uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeeddadu ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib-u-dhac ku yimaad arrimaha doorashooyinka, iyaguna ay si degdeg ah uga soo jawaabeen, sidaana Madaxweynuhu ugu gudbiyey Golaha Wakiillada oo ka gutay waajibaadkoodi shaqo, kuna oggolaaday afar xubnood oo u gudbay Guddida Doorashooyinka Qaranka, halka ay diideen saddex xubnood oo ka mid ah Komishanka cusub, dhowaanna la dhammaystiri doono.
“Waxa xusid mudan in aqlabiyadda Golaha Wakiilladu ay ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridka ah, balse ay mar walba ka midaysan yihiin arrimaha qarannimada iyo jiritaanka Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in si dhaqso ah loo soo dhammaystiri doono saddexda xubnood ee hadhay ee Komishanka, si ay iyagoo dhammaystiran ay u soo bandhigaan nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaanna ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay u qabsoomaan doorashooyinku.
Dhinacooda safiirada iyo diblomaasiyiintu waxa ay ballanqaadeen marka ay soo dhammaadan arrimaha  sharci ee doorashooyinka la xidhiidha, lana soo dhammaystiro xubnaha Komishanka Doorashooyinka inay Somaliland ka taageeri doonaan hirgelinta arrimaha qabsoomidda doorashooyinka.
Waxa madaxweynaha ku wehelinayey kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud, halka dhinaca safiirrada iyo diblomaasiyiintu ay kala ahaayeen:-
1. EU Ambassador Tiina Intelmann, 2. Finnish Ambassador Pirkka Tapiola, 3. French Ambassador Aline Kuster Menager, 4. Swedish Ambassador Per Lindgarde, 5. US Embassy – Carla Benini, Chargé d’affaires, 6. Embassy of Norway – Haakon Svane, Chargé d’affaires, 7. German Embassy – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, 8. Embassy of the Netherlands – Laurie Visser, Deputy Ambassador, 9. British Office Hargeisa – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa, 10. Embassy of Denmark – Mathias Kjaer, Head of Danida Office Hargeisa iyo 11. Embassy of Canada, Robert Bunbury, First Secretary.