Hargeysa: Ciidammada Somaliland oo gacanta ku dhigay maandooriye tiro badan

Hargeysa -(Berberanews)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee ka hawlgala degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa, ayaa gacanta ku dhigay 419 litir oo khamri ah, saddex eedaysane iyo baabuurkii lagu siday shalay.


Afhayeen u hadlay booliska, ayaa sheegay in hawlgal ay si wadajir ah uga qaybgaleen ciidammada bilayska, millateriga iyo shacab iskaashaday ay gacanta ku dhigeen khamri tiro badan oo si qarsoodi ah loo soo geliyey xaafadda Digaale ee magaalada Hargeysa.
“Shalay oo bishu ahayd 22, saacaddu markay ahayd 1:00 duhurnimo, ciidanka booliska ee Saldhigga Maxamed Mooge, Taliyaha Rugta xaafadda Digaaale, askar ciidanka millateriga ka tirsan iyo dad shacab ah, waxay soo qabteen 419 litir oo ah khamriga nooca loo yaqaan dry gin iyo saddex eedaysane iyo gaadhi Landcruiser ka ah,” ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Somaliland.
Ciidanka booliska ayaa digniin u diray cid kasta oo ku foogan ka ganacsiga maandooriyaha, waxayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono dadka lagu qabto iyaga oo faraha kula jira ka-ganacsiga maandooriyaha.

Booliska Somaliland ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha kala duwan oo si qarsoodi ah dalka looga doo galiyo xuduudka Itoobiya iyo waddamada kale ee jaarka.
Dagaalka maandooriyaha lagula jiro oo adkaaday awgeed ayey xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday dhismaha ciidan u gaar ah la-lagaallankiisa.