Faysal oo Nairobi kula kulmay Masuuliyiin xilal sarsare ka soo qabatay Somalia.

Nairobo-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay masuuliyiin xilal ka soo qabatay dawladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin laba Raysalwasaare oo hore Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid iyo sidoo kale Raysal wasaare ku xigeen hore Ridwaan Xirsi.

Lama ogo waxay ka wadahadleen masuuliyiintani laakiin waxa xusid mudan in hore Guddoomiye Faysal ula kulmay madax dawladda Soomaaliya ka mid ah isagoo aan caddayn ujeeddada kulamadaas.