Red Sea Gateway oo rabta inay iibsato saamigii Ethiopia ee Dekedda Berbera

Berbera-(Berberanews)-Shirkadda Red Sea Gateway Terminal, oo laga leeyahay wadanka Saudi Arabia, ayaa sheegtay in ay xiisaynayso in ay iibsato saamiga ah 19% ee ay Itoobiya ku guul- daraysatay in ay ka soo baxdo waajibaadkii dhaqaale ee ka saarnaa in ay la waeeegto.

Madaxa Red Sea Gateway Terminal Jens Floe iyo Gudoomiyaha Gudiga Red Sea Gateway Terminal Mohamed Alireza iyo wafdi sare oo ay hogaaminayaan ayaa wakhtigan booqasho ku jooga Berbera, Jamhuuriyada Somaliland.