Michael Rubin: “Ma werwerin tan iyo markii aan si joogto ah u booqday Somaliland”

“Waxyeellooyinka digniinaha safarrada ee ballaadhan waxay wax u dhimaysaa amniga gobolka, xidhiidhka Maraynkanka iyo amniga qaranka ee mustaqbalka”
Khabiir Maraykan ah oo dawladda dalkiisa ugu baaqay inay wax ka beddesho digniinaha socdaalka ee ku wajahan Somaliland oo uu sheegay inuu yahay dal amni buuxa haysta

Washington – National Interest – Warbixin dheer oo lagu daabacay wargayska The National Interest oo uu qoray Michael Rubin oo ah khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute oo fadhigiisu yahay magaalada Washington, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ugu baaqay inuu wax ka beddelo digniinaha socdaalka ee ay ka bixinayaan waddamada Gobolka Geeska Afrika oo ku tilmaamay qaar aan xaqiiqda ku salaysnayn.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu daray inaan loo safri karin tahay mid khiyaali ah, taasi uu khabiirku sheegay inuu ku ogaaday safarradii kala duwanaa ee uu ku tagay Somaliland.
Michael Rubin oo ka warramayey safar ay isaga iyo gabadh yar oo uu dhalay ku tageen Somaliland.
“Ma werwerin tan iyo markii aan si joogto ah u booqday Somaliland, waxaan ogaaday in digniinta safarrada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku been xaqiiqda ka fog tahay. Inantaydu waxay qaadatay waqti wanaagsan. Waxay la ciyaartay adhi, waxay booqatay beerta geela, waxay aragtay qaar ka mid ah aasaarta dunida ugu cimri dheer,” ayuu ku sheegay warbixintan dheer ee uu kaga hadlay ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Wasaaradda Arrrimaha Dibaddu inay boggeeda hore ku daabacdo warbixin aan sax ahayn waa inay ceebayso nabadda Somaliland. Haa! caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho nabad uma aha reer galbeedka, balse taasi waxay ay u jirtaa 900 oo mayl caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, markaa in labadoodaba si isku mid ah loo qiimeeyaa waxay ka dhigan tahay iyadoo dadka looga digo beerta Vineyard ee Martha, sababtoo ah dilalkii ka dhacay New Jersey,” ayuu yidhi khabiirku.
Michael Rubin waxa uu warbixintiisa dhaabbad uga dhigay in digniinaha safarrada ee aan saxda ahayn ee Maraykanku ay saamayn ku yeelan doonto siyaasadda Geeska Afrika ee USA, waxaanu maamulka Madaxwayne Biden iyo xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka ugu baaqay inay wax ka beddelaan digniinta safarrada ee gobolkaas, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo uu carrabka ku adkeeyey inuu yahay waddan ay ka jiraan nabadgelyo buuxda iyo dimoqraadiyad hanaqaaday.