In ka badan 230 qof oo lagu dilay weerar oo ka dhacay Itoobiya

ADDIS ABABA —(Berberanews)-Goob-joogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in in ka badan 230 oo qof oo u badan qoomiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada, taasoo markii dambe beenisay.

Waa mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qoomiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

“Waxaan tiriyey 230 qof oo mayd ah. Waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yidhi Abdul-Seid Tahir oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press, kadib markii uu dirqi ah kaga badbaaday weerarkii Sabtidii.
“Waxaan ku aasaynaa xabaalo-wadareedyo, waxana weli wadnaa ururinta meydadka. Waxa hadda soo gaadhay cutubyo ka tirsan ciidammada dawladda Federaalka, balse waxaan ka baqaynaa in weerarradu sii socdaan haddii ay baxaan,” ayuu yidhi.
Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa darteed, ayaa sheegay in qoomiyadda Axmaarada ee degaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la dilay “ka hor inta aanay dhicin dil-wadareed kale.”
Waxa uu sheegay in qoomiyadda Axmaarada ee hadda “loo laaynayo sida digaagga” ay degankan 30 sanno ka hor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah.
Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyey Ciidanka Xoraynta Oromada ee OLA.
War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Gobolka Oromia, ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in malleeshiyadu weerarka geysteen “kadib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidammada ammaanka ee dawladda Federalka Itoobiya.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyey eedeymahaas.
Itoobiya ayaa dhowr gobol waxa ka jira xurguf baahsan oo qoomiyadeed, taasoo inta badan ay sabab u tahay cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed.

Qoomiyadda Axmaarada oo ah midda labaad ee ugu ballaadhan in ka badan 110 milyan qof oo ku nool Itoobiya, ayaa marar kala duwan lagu bartilmaameedsaday degaanno ay ka mid tahay Oromiya.