Degdeg: Askari lagu dilay Xaafadda Qandahaar ee magaalada Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Allaah ha u naxariistee maydka askari ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa hadda la geeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kadib markii sida la sheegay uu nin shacab ah ku dilay xaafadda Qandahaar oo ku taalla koonfurta galbeed Caasimadda.
Askariga dhintay ayaa wuxuu gacantiisa ku baxay nin shacab ah oo gacan-ka-hadal dhexmaray, kaas sida wararku tibaaxeen feedh-jilib wadnaha ku gooyey askariga geeriyooday.q0