Waddani oo sheegay in aanu ergo u dirsan Cali Waran-cadde iyo Maayar Mooge.

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga Waddani, ayaa beeniyay malleeshiyo Beelleed lagu ururiyay Guriga Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilllaahi (Cirro).

“ Ciidan beelaysan oo masuuliyiintayada ilaalinayaa ma jiro. Maayirka iyo la taliyaha Madaxweynuhu yagaa is xilqaamay waxa kaliya ee aanu kala hadalnay waa illaalada masuuliyiinta ee la ruqseeyey.

Wada hadal aanu kala xaajoonayna ma jiro. Anagu kali waxaanu kalsooni siinay Ergada 31 oday oo aanu jawaabtooda maanta ilaa beri sugayno”

Xoghayaha Warfaafinta – xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal”