Maxkamadda Sare ee Nigeria oo gabdhaha Muslimiinta u ogolaatay xijaabka

Nigeria-(Berberanews)-Maxkamadda sare ee Nigeria ayaa ogolaatay in gabdhaha Muslimiinta ah ay xidhan karaan xijaab iskuullada dowladda ee ku yaal magaalada Lagos.

Waxa ay taageertay xukun 2016 ka soo baxay maxkamadda rafcaanka oo xayiraaddii ka qaaday xijaabka.

Gabdhaha ayaa horay looga mamnuucay inay xidhaan xijaabadooda, sababtoo ah ma ahan qeyb ka mid ah dirayska iskuulka.

Go’aanka ayaa laga yaabaa inuu ugu dambeyntii joojiyo dagaal sharciyeed oo socday sannado badan.

Dadka Nigeria waxay u kala qaybsan yihiin Muslimiin iyo Masiixiyiin, iyada oo in badan oo labada kooxood ka mid ahi ay yihiin kuwo si adag u rumaysa diintooda.

Muslimiinta inteeda badan waxay ku nool yihiin waqooyiga, Masiixiyiintuna waa koonfurta – in kasta oo gobolka koonfureed ee Lagos ay ku noolyihiin dad haysta diin isku dhafan.