Iran oo ka hadashay wallaaca Imaaraadku ka qabo Nuclearkeeda

Iran-(Berberanews)-Iran ayaa Sabtidii u sheegtay Isutagga Imaaraadka Carabta in Tehran ay mudnaan sare siisay hagaajinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska la ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran, maalin kaddib markii Imaaraadku uu walaac ka muujiyay barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Ergayga Imaaraadka u jooga Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa Jimcihii sheegay in uu rajaynayo in Iran ay kala shaqayn doonto hay’adaasi sidii ay beesha caalamka iyo gobolkaba u xaqiijin lahayd barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Imaaraadka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amirabdollahian “wuxuu tilmaamay mudnaanta ay derisyadu ku leeyihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran, wuxuuna ku baaqay wadatashi dheeri ah…si loo ballaadhiyo xidhiidhka laba geesoodka ah,” ayay tidhi warbaahinta dowladda.

Sannadkii 2019, Imaaraadka xulafada la ah Maraykanka ayaa bilaabay inay la macaamilaan Iran ka dib sannado badan oo xidhiidhkoodu xumaa.

Wadahadalada aan tooska ahayn ee Tehran iyo Washington ee dib u soo noolaynta heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 ayaa istaagay tan iyo bishii March, Tehran ayaa xaddiday awoodda Wakaaladda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka in ay la socoto barnaamijka Nukliyeerka Iran ka dib markii ay isku dhaceen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta.

Berberanews.net