Dowladda Uk oo joojisay taageeradii Booliska Somaliland

Uk-(Berberanews)-Sida laga soo xigtay ilo dublamaasiyadeed iyo dawladeed, dawladda UK waxay joojisay taageeradii ay siin jirtay Booliska Somaliland, waxaanay dawladda Somaliland ka codsatay inay baadhitaan ku samayso eedaymaha Booliska ee ka dhashay mudaharaadkii Mucaaridku hoggaaminayey ee Hargeysa ka dhacay Khamiistii 9-kii June 2022.

Saaxiibada caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dalalka Scandinavian-ka, ayaa Somaliland ka taageera dhinacyada dimuqraadiyaynta, waxaanay siiyaan barnaamijyo tayo-dhis ah oo ay siiyaan hay’adaha kala duwan ee dawladda oo ay Somaliland ku jirto.

Khamiis, June 9, 2022 Booliiska Somaliland ayaa isku-hor-imaad kala kulmay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay mucaaridku isugu yeedheen dib-u-eegis iyo jihaynta dadka bannaanbaxa dhigaya ee dalka oo dhan ka dhigaya ee lagaga falcelinayo ismaandhaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha kala dhexeeya in doorashada madaxtooyada la qabto 13-ka November.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay adeegsato awood xad dhaaf ah, rasaas nool, sunta dadka ka ilmeysiisa, iyo xadhig aan sharci ahayn oo ay ku hayso mucaaradka, suxufiyiinta iyo mudaharaadayaasha.

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay eeddaas, waxaanay sheegtay in dadka gadoodsan ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Booliska, isla markaana ay Ciidanka Booliska rasaas ku fureen Ciidamada Ammaanka ee Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay soo saartay bayaanno kala duwan oo ay ku sharraxayso bannaanbaxa, waxaanay eedda dusha ka saartay xisbiyada mucaaradka ah oo ay xukuumaddu ku tilmaantay mudaharaad aan loo meel dayin oo ay rasaasta ku ridaan Booliska ay muujisay xakamaynta ugu badan.