“Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo” Hanjabaadda Shiinaha

China-(Berberanews)-Dowladda Shiinaha ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto dagaal haddii farigelinta laga joojin waayo.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay ay “Ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan.

Todobaad kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale todobaafkan Mareykanka ku eedeeyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku “uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna “soo farogelinayo” arrimaha Shiinaha.

“Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labolabayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yidhi Janaraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.

“Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.