Tanzania: QM oo wallaac ka muujisay sida loola dhaqmo dadka Maasai

Tanzania-(Berberanews)-Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay sida loola dhaqmo dadka asal ahaan kasoo jeeda Maasai ee Tanzania, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka todobaadkii hore.

Warbixin ay soo saartay QM ayay ku sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in ciidamada ammaanka ay u adeegsadeen rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa degmada Loliondo ee waqooyiga dalka.

Waxa ay sheegtay in mas’uuliyiintu ay go’aansadeen in dhul dhan 1,500 sq km (580 sq miles) loo rogo seere ugaadha ah, inkastoo ay 2018-kii amar kasoo saartay maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika oo ka dhan ah tallaabadaas.

Waxaa jirtay daah-furnaan la’aan iyo la tashigii dadka Maasai, ayay tidhi warbixintu.