Mozambique: Maxkamad xukun iyo ganaax ku riday askar dil geystay

Mozambique-(Berberanew)-Laba sarkaal oo booliis ah oo ku sugan Mozambique ayaa lagu xukumay xabsi – mid lix sano ah, ka kalena laba sano – ka dib markii ay garaaceen oo dileen nin dhalinyaro ah khilaaf la xidhiidha xannibaadaha Covid-19.

Marka loo eego xukunka ay ku riday maxkamad ku taal gobolka dhexe ee Sofala, labadooduba waa inay sidoo kale bixiyaan magdhow dhan $16,000 (£13,000) oo qoyska dhibbanaha la siinayo.

Waxaa la dilay 2020 markii labada sarkaal ee booliiska ay isku dayeen inay kala eryaan koox carruur ah oo kubbad ku ciyaarayay magaalada dekedda ah ee Beira, halkaas oo xaalad degdeg ah ay ka jirtay masiibada darteed.

Ninka la dilay ayaa sawiro ka qaaday, taasoo ka cadheysiisay askartii weerarka ku qaaday.

Qareenka qoyska dhibbanaha, Cremildo João, ayaa yidhi “cadaalada waa loo adeegay”.