Maxkamadda Hargeysa oo Xabsi ku hayn ku xukuntay Masuulliyiinta Mucaaridka ee xidhan

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa markii u horraysay la hor keenay siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka oo lagu xidhay mudaharaadkii 09/06/2022 ka dhacay Hargeysa.

Maxkamadda ayaa todoba maalmoof oo xabsi kusii hayn ah u jartay masulliyiinta Xisbiyada, waxaanay sii daysay 2 suxufi iyo afar qof oo shicib ah oo lala xidhay.

Siyaasi Jiir Cali Madoobe oo ka mid ah masuulliyiinta Xisbiga UCID oo saxaafadda saaka la hadlay ayaa  ka hadlay xukunka masuulliyiinta iyo xubno maxkammadu sii daysay.

“31 sano ka dib in xukuumaddu kala garam weydo 13ka November iyo 26ka December ta horraysa, sababta ay u xidhanyihiin waa ta keentay 13ka doorashada dhacaysa iyo ta xisbiyada iyo liisamada xisbiyada ee 10ka sanadood ah ee uu dhacayo 26ka December.

Mudaharaad ka dhashay oo salmi ahaa, oo ay codsadeen Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa loo qabtay nimankaa, waxaanay ahaayeen 12 siyaasi oo labada Xisbi mucaarid ah, laba weriye iyo afar qof oo shicib ah oo saaka la sii daayay iyo dad kale oo shicib ah oo ku xidhan saldhigyada magaalada Hargeysa.”

Siyaasi Jiir waxa uu sheegay in siyaasiyiinta xidhani ay waayeen xuquuqdii maxbuuska oo laga horjoogsaday ehelkooda iyo xisbiyadu toona inay booqdaan, isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Horta waxay waayeen xuquuqdii dadka maxaabiista ahi ay lahaayeen, dadkoodii, egelkoodii iyo xisbiyadii ay ka tirsanaayeen cid allaale cid ka aragtay ma jirto oo maantaa noogu horraysay.”

Masuulliyiinta xisbiyada Mucaaridka ee xidhan waxa ka mid ah:-
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Yuusuf kayse Cabdillaahi, Mawliid Muuse Dacar, Yuusuf Kayse Cabdillaahi, Mawliid Kayse Maxamed, Maxamed Faarax Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Sigis.