Kooxda Al-shabaab oo sheegtay in aanay wax wadahadal la geli doonin dawladda Somalia

Muqdisho -(Berberanews)- Safiirka dawladda Maraykanka ee Muqdisho Ambassador Larry Andre, ayaa sheegay in aanay kooxda Al-shabaab u suurtogali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si la mid ah Taliban oo qabsaday Afghanistan.
Danjire Larry Andre oo ka falcelinayey wareysi laga qaaday hoggaamiye-ku-xigeenka Al-shabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay aragtidaas mid aad loo buunbuuniyey, balse aan suurtogal noqon karin.
Inkastoo Danjiruhu xaqiijiyey saamaynta Al-shabaab ku leedahay caasimadda Muqdisho oo uu shaaca ka qaaday inay tahay isha ugu muhiimsan ee ay u soo maraan lacagaha cashuuraha ay ka qaadaan ganacsatada.
Safiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay saaxiibbo amni oo ay ka mid yihiin, Maraykanka, Turkiga, midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaas oo uu xusay inay diyaar u yihiin inay ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaad Al-shabaab.
Danjiraha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay Soomaaliya haatan leedahay ciidan awood u leh inay ka difaacaan Al-shabaab.
Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa caddeeyey in aanay wax wadahadal ah la geli doonin dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay dhowaan inuu wadahadal la furi doono Al-shabaab, kadib marka ciidammada maamulkiisu ku guulaystaan inay dib uga riixaan degaannada ay haatan xoogagga kooxdaasi gacanta ku hayaan.