Ethiopia: 40 qof oo ku dhintay weerarro ay fuliyeen Jabhaddaha Gambella iyo OLA

Ethiopia-(Berberanees)-Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay iska horimaad ka dhacay magaalada Gambella ee galbeedka Itoobiya, ka dib markii xubno hubeysan ay weerar ku qaadeen salaasadii, sida ay BBC-da u sheegeen laba sarkaal oo sare oo ka tirsan gobolka.

Sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiil Gobolkaa ka tirsan, oo warbaahinta la hadlay 10 ka mid ah dadka la dilay ayaa ka tirsanaa ciidamada ammaanka dowladda.

Afhayeen u hadlay jabhadda Oromada ee OLA, ayaa sheegay in kooxdiisu ay magaalada ka bilaabeen wax uu ugu yeedhay “howlgal” oo ay weheliyaan Jabhadda Xoreynta Gambella.

Afhayeenka ayaa markii dambe sheegay in howlgalka la soo gaba gabeeyay “kadib markii laga gaadhay ujeedooyinkii laga lahaa”, isaga oo intaa ku daray in lagu soo qabtay hub aad u badan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xasilloonida ay u muuqato inay magaalada kusoo laabatay Arbacadii balse ay weli xidhan yihiin goobaha ganacsiga iyo xafiisyada.

Fiidnimadii Salaasada, madaxweynaha gobolka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Berberanews.net
Info@berberanews.com