Debretsion oo dalbaday in Uhurru Kenyatta ku jiro wadahadalka TPLF Iyo dowladda

Nairobi-(Berberanews)-)Dawladda Itoobiya ayaa samaysay guddi wada-xaajood la gala ciidamada ka soo jeeda gobolka Tigray, sida uu sheegay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo khudbad uu ka jeediyay taleefishinka dalkaasi Salaasadii shalay ka jeediyay baarlamaanka.

Guddigu waxa ay darsayeen shuruudaha horudhaca ah iyo sida wada xaajoodku u dhacayo,” ayuu yidhi.

Guddigan ayaa waxaa hogaaminaya ku xigeenkiisa Demeke Mekonnen, waxaana la filayaa in muddo 10 ilaa 15 maalmood gudahood ah ay ugu gudbiyaan Abiy warbixin ay ku faahfaahiyeen waxyaabihii u qabsoomay.

“Waxaa naga go’an in aan nabad la galno TPLF (Tigrayan People’s Liberation Front) ama cid kasta oo nabada doonaysa,” ayuu yidhi.

Habeenimadii Salaasada, Debretsion Gebremichael, oo ah madaxweynaha TPLF, ayaa sheegay in kooxdiisu “ay diyaar u tahay in ay ka xaajoodaan nabadda si waafaqsan mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul insaanka, dimuqraadiyadda, iyo isla xisaabtanka,” warqad furan oo la soo dhigay Twitter-ka.

“Waxaan ka qaybqaadan doonnaa hannaan nabadeed oo lagu kalsoonaan karo, dhexdhexaad ah oo mabda’ ku dhisan,” ayaa lagu yidhi warqadda, iyadoo intaas ku dartay in kooxdu ay ku adkeysanayso in wadahadal walba oo nabadeed lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo uu dhexdhexaadinayo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Mawqifkayagu waxa uu weli yahay in geeddi-socodka nabadda uu u baahan yahay ka qaybgalka saaxiibo kala duwan oo caalami ah, oo ay hoggaaminayso dawladda Kenya. Saaxiibadaas waxaa ka mid ah Maraykanka, Midowga Yurub, Imaaraadka Carabta, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika,” ayuu yidhi Debretsion.

Marka guddiga federaalku uu soo gudbiyo warbixinta, ciidamada Tigreeguna ay soo bandhigaan shuruudahooda, waxaa lagu dhawaaqi doonaa wadahadal nabadeed oo u dhexeeya labadooda, ayuu yidhi Abiy.

Horumarkan ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday wada-xaajood nabadeed oo u dhexeeya labada ciidan oo ay u dhaxaysay colaad muddo sannad iyo badh ka badan ay ku dhinteen kumannaan kun, taasoo keentay in boqollaal kun oo qof ay xaalad macaluul la mid ah ku hayso Tigray-ga isla markaana dhigay rikoodh caalami ah barakaca hal sano gudaheed 2021, sida ay sheegtay Xarunta Dabagalka Barakaca Gudaha.