Booliska Somaliland oo ka hadlay eedayo loo jeediyey in ciidammo weerareen guriga Cirro

Ciidanka Booliska Somaliland oo iska fogeeyey weerar la sheegay in lagu qaaday guriga murashax Cirro

Hargeysa  -(Berberanews)-Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iska fogeeyey warar ay warbaahinta mucaaradku ku sheegeen in Ciidanka bilaysku weerareen guriga Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro xalay.

Afhayeen u hadlay ciidammada booliska Somaliland, ayaa sheegay in ciiidanku ay u gurmanayeen muwaaddin reer Hargeysa ah oo koox tuugo ah weerareen.

“Markii sacaaddu ahayd 3:00 habeennimo ee xalay waxa heeganka soo garaacay ninka la yidhaa Daa’uud Guulleed Axmed oo ah muwaaddin reer Somaliland ah oo deggan xaafadda Hodan Hills, oo ay sikhraamiin ah rabshayeen, isaga oo soo hagaya ayey ciidankii heeganka ahaa ku baxeen goobtii.”
Afhayeenku waxa uu sheegay kadib markii ciidanku hawlgalka ka soo noqdeen in toosh indhaha lagaga qabtay, dabadeedna rasaas la huwiyey, laakiin aanay ciidanku wax jawaab ah ka bixin tacshiiradda lagu riday.
“Markii laga soo noqday, oo waddada laamiga la marayo, ayaa waxa dhacday labadii baabuur mid ka mid ah in tooshash lagu qabtay, waxana la yidhi soo leexo … isla markiina rasaas ayaa lagu bilaabay. Rasaastaasi waxay noqonaysaa mid sharci-darro ah … ciidankuna wax jawaab ah kama bixin,” ayuu yidhi.
“Boolisku wuxuu u xilsaaran yahay, mucaarad iyo muxaafad, dadka ajnabiga ah iyo cid kasta oo dalkan Somaliland ku sugan in ay nabadgalyadooda sugaan.”

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in boolisku ay arrintaas baadhisteeda geli doonaan, isaga oo dembi wayn ku tilmaamay in guriga Cirro la weeraro.
“Waa dembi adag marka la leeyahay musharrixii madaxweynaha ayaa la weeraray,”  ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Somaliland u hadlay.