Madaxweyne Biixi oo arrin mucjiso ah ku tilmaamay tallaabadii Safiirka Somalia

Ceerigaabo – (Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa arrin ugub ah iyo fajaciso aan la aqbali karin ku tilmaamay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya, cadaawad uu Somaliland u qabo darteed.
“Ninkii safiirka u ahaa Soomaaliya shirkaas wuu ka cadhooday oo wuu isaga baxay isaga oo leh aniga iyo Somaliland meel ma wada fadhiisan karno, waa arrin ugub ah. Laakiin waa arrin mucjiso ah oo aanay Somaliland qaadan karin,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo kumannaan shacab ah khudbad uga jeediyey fagaaraha Khayriyada ee magaalada Ceerigaabo saaka, ka hor intii aannu dib ugu laaban caasimadda Hargeysa.
Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa yimi xilli safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeedhay safiirrada fadhigoodu yahay Nairobi shalay, kadib markii uu kulankaas ku arkay masuuliyiin matalayey Jamahuuriyadda Somaliland.