Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ra’iisal-wasaare cusub

Muqdisho —(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd Ra’iisal-wasaaraha cusub ee xukuumaddiisa u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda degaannada maamul-goboleedka Jubbaland.
Xamse ayaa hore u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sannadihii u dhexeeyey 2011-2017, sidoo kalena wuxuu soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.
Ra’iisal-wasaare Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sannadkii 2019.
Wuxuu kaloo uu ka mid ahaa aasaasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku xigeen.
Xamse oo 48-jir ah ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.