Xirsi: “Muuse Biixi diyaar uma aha inuu doorasho qabto”

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Jamahuuriyadda Somaliland ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi in aannu diyaar u ahayn inuu doorasho qabto, isla markaana uu wado jaho wareerin.

“Doorashadii ciddii noo qaban lahayd ma jirto, hawsheedii looma dhaqaaqin, diiwaangelintii ka horreysay lama qaban, shaqaalihii lama qorin, markaa hadal la iska yidhi bay noqoneysaa haddii la yidhaa waa la qabanayaa doorashooyinka iyadoo aanay muuqan in la qabto,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo BBC-da u warramay maanta.
Dhawaaqa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa yimi kadib hadal xalay uu magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ka jeediyey Madaxweyne Biixi, kaas oo uu kaga hadlay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumaddiisa iyo xisbiyada mucaaradka iyo sidoo kale dibadbaxyadii maalmo ka hor ka dhacay caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland ayaa meesha ka saaray inuu doonayo in doorashada madaxtinnimada Somaliland ay ka dib dhacdo 13-ka November, sidaasna loogu kordhiyo muddo-xileedkiisa.

“Ma doonayo naaneys la yidhaahdo waa loo kordhiyey oo wuu sii dheeraystay. Markii hore hadh cad baannu tartannay annaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.