Safiirka Somalia ee Kenya oo cadho kaga baxay kulan Nairobi isugu yeedhay safiirrada caalamka

Nairobi – (Berberanews)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Mr Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay Madaxtooyada Nairobi isugu yeedhay safiirrada waddamada adduunka u jooga dalkaas, kadib markii uu kulankaas ku arkay masuuliyiin matalayey Jamahuuriyadda Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa diblomaasiyiinta shisheeye la yeeshay maanta kulankiisii ugu dambeeyey ka hor doorashada dalka Kenya ka dhacaysa bisha August ee sannadkan 2022, xilligaas oo xafiiska bannayn doono.
Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakiillada u jooga Nairobi oo madasha fadhiya, taas oo uu si weyn uga cadhooday, kadibna uu masuuliyiinta Madaxtooyada Kenya ka dalbaday in wax laga beddelo, balse danjiraha Soomaaliya ayaa weji-gabax shirka kaga baxay, kadib markii dalabkiisii socon waayey, isla markaana uu indhaha ku hayn kari waayey  calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo meeqaam isku mid ah uga dhex babbanaya calamada diblomaasiyiinta caalamka ee Madaxweyne Kenya martiqaaday.
Somaliland ayaa wakiil diblomaasiyadeed ku leh Kenya, mana cadda mansabka uu wakiilkoodu kaga qaybgalay shirka Madaxweyne Uhura la yeeshay safiirrada dalalka caalamka u jooga Nairobi.
Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. Hase ahaatee, sannadihii u dambeeyey ayey Nairobi kor u qaadday xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Maamulkii Muqdisho ee uu hoggaaminayey Farmaajo, ayaa marar badan ku eedeeyey Kenya inay farogelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, eedayntaas oo xukuumadda Nairobi beenisay.
Dawladaha Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrinta ka cadhaysiisay Safiirka Soomaaliya. Laakiin Wakiilka Somaliland u fadhiya Nayroobi ayaa xaqiijiyey inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa hadda ku jira gebagebada muddo-xileedkiisii u dambeeyey, waxana dalka Kenya haatan ka socda olole doorasho oo xoog leh.

Waxa doorashada madaxtinimada ee soo socoto ku loollami doona, William Ruto oo hadda ah Madaxweyne-ku-xigeenka xigeenka Kenya iyo Raila Odinga oo hoggaamiya xisbiga mucaaradka.