Ciidanka Booliska oo baadhis ku samaynaya dadkii ku dhaawacmay mudaharaadka

Ciidanka Booliska Somaliland oo beeniyay inay rasaas u adeegsadeen mudaharaadkii

Hargeysa-(Berberanews)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu beeniyay in ciidanka Boolisku rasaas nool u adeegsadeen dibedbaxayaasha Mudaharaadkii Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee 9/6/2022.

Sidoo kale waxaa ay ciidanka Boolisku sheegeen inay baadhis caafimaad u dirayaan dadkii mucaaridku sheegeen inay ku dhaawacmeen mudaharaadka.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaytirani waxa uu u qornaa sidan:-

“Taariikhdu markay ahayd 9/6/2022 waxa ka dhacay magaalada hargeysa Mudaharaad aan Sharci ahayn oo ay abaabuleen Xisbiyada Mucaaridka ah, Ciidanka Booliskuna u maareeyen uguna hor tageen sidii ugu wanagsanayd.

*Hadaba Ciidaanka Boolisku ma adeegsan Rasaas nool,halka Ciidanka lala dhacay rasaas nool una adeegsadeen Ilaalada Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo musharaxiisu.

* Waxaa kale oo Ciidanka lagala hor yimid gacan ka hadal badan Sida SHIID, BAKOORADO, iyo aflagadooyin badan.

Hadaba waxaaso dhan Waxuu Ciidanku ku maareeyey Si nabadgalyo leh, Isagoo adeegsanayaa rasaasta rabadhka ah iyo waxyaalaha kale ee Booliska caalamku Kaga hortago Isla markaana kula tacaalo Rabshadaha.

waxaa nassib darro ah in ayaamahan udambeeyey baraha bulshada (Socil media) Lasoo dhigaayey xildhibaan barkhad Jaamac iyo rag kale oo la leeyahay Rasaas nool ayaa ku dhacday, Iyadoo lagu Cambaaraynaayo Ciidankan Booliska Iyo qaranka somaliland.

Sida darteed Ciidanka Booliska oo kaashanaya Dhakhaatiir aqoon u leh Arimahan Waxay baadhiis Deg-dag ah ku samaynayaan natiijada dhaawaca ay sheegeen mucaaridku si xaqiiqada loo ogaado sharcigana loo waafajiyo.”