Somalia: Faahfaahinta Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo xalay ka kala dhacay xerada Badbaado iyo deegaanka KM13 ama Tareedisho oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Labada qarax ayaa la sheegay iney geysten khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana noocoodu ahayeen qaraxyada  miinoyinka nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxa ka dhacay deegaanka Tareedisho ayaa lala eegtay askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya oo halkaasi maraayay, halka qaraxa kale ee ka dhacay xerada Badbaado la sheegay inuu ka dhacay makhaayad shaaha laga cabo.

Labada qarax ayaa la xaqiijiyay iney geysteen khasaaraha dhimashada hal ruux iyo dhaawaca shan qof oo kale, mana jirto ilaa hada cid sheegatay qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo noocaan oo kale ah iyo weeraro isugu jira kuwa gaadmo ah iyo kuwa toos ah oo ay geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Berberanews.net
Info@berberanews.com