Kenya oo dub u bilaabaysa dhoofkii qaadka Somalia ka dib wadahadal labada madaxweyne

Kenya-(Berberanews)-Wasiirka Beeraha ee Kenya ayaa sheegay in Qaadka Maandooriyaha ah ee Kenya loo dhoofiyo Soomaaliya uu dib u bilaaban doono ka dib wadahadal dhexmaray Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mamnuucidda ganacsiga ee sanadihii la soo dhaafay ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeraleyda Kenya.

Wasiir Peter Munya ayaa saxaafada u sheegay in dhoofintaasi ay dib u bilaabmi doonto laba todobaad gudahood markaas oo labada hogaamiye ay saxiixi doonaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.

Duulimaadyada tooska ah ee labada dal ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dib u bilaabmaan si badeecada si toos ah loogu duuliyo Soomaaliya, ayuu yidhi.

Cunista Caleenta qaadka ayaa caan ka ah gaar ahaan bulshooyinka Soomaalida, Itoobiya iyo Yemen.

Dalka Kenya, waxaa inta badan laga beeraa gobolka dhexe ee Meru iyo gobollada deriska la ah.

Hantida dhaqaale ee beeraleyda Kenya waxaa si weyn u saameeyay xayiraadda dhoofinta iyadoo uu xumaaday xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa rajo ka qabta in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ka dhaxeeyay maamulka cusub kadib markii uu gaaray heerkii ugu hooseeyay intii uu madaxweynaha ka ahaa madaxweynihii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.