Kenya: in ka badan afar milyan oo wajahaya cunto yaraan

Kenya-(Berberanews)-In ka badan afar milyan oo qof ayaa wajahaya heerar sare oo cunto yari gudaha Kenya, sida lagu sheegay xog cusub oo ay soo saartay QM.

Tiradan ayaa sannadkii hore ka korodhay in ka badan saddex milyan oo qof.
In ka badan 900,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la ogaaday inay hayso nafaqo-xumo ba’an.

Waqooyiga dalka oo dhan, iyo inta badan gobollada waqooyi-bari, ayaa wajahaya cunto yari marka la eego xaaladaha degdegga ah, kala soocidda xogta ayaa muujineysa. Roobabka bilaha 3aad ilaa 5aad ayaa ahaa kuwa hooseeya, kuwo aan joogto ahayn iyo kuwo liita inta badan gobolada ay dhibaatadu ka jirto, kuwaas oo saameeyay wax soo saarka cuntada.

Marka laga soo tago abaarta daba dheeraatay, dhibaatada waxaa uga sii daray sare u kaca ku yimid qiimaha cuntada, sababtoo ah qiimaha shidaalka oo sare u kacay, kana dhashay dagaalka Ukraine.

Qaar ka mid ah gobollada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sidoo kale waxaa ka taagan falal amni darro iyo rabshado hubeysan.

Qeybo badan oo ka mid ah bariga Afrika ayaa waxaa soo gaadhay abaar ba’an sanadka 2022 intiisa badan, taasoo uga sii dartay cunno yarida haysata wadamada wali la tacaalaya saameynta cudurka faafa ee coronavirus.

Horraantii toddobaadkan, Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ka digtay in in ka badan nus milyan qof oo ku nool gobolka waqooyi-bari ee Uganda ee Karamoja ay wajahayaan khatar sare oo gaajo iyo macaluul ah. Soomaaliya, in ka badan 200,000 oo qof ayaa qarka u saaran inay u dhintaan abaarta ka jirta gobolka.