Itoobiya oo lumisay saamigii ay ku lahayd dekedda Berbera

Somaliland-(Berberanews)-Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in Itoobiya  ay lumisay saamigii ay ku lahayd dekedda Berbera ee boqolkiiba 19, ka dib markii ay buuxin wayday shuruudihii looga baahnaa si loo dhammaystiro heshiiska lahaanshaha.

Tani waxay si hufan u beddeshay heshiiskii 2017 ee Itoobiya, Shirkadda Dubai ee DP World iyo maamulka dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa yidhi, “Itoobiya way ku guul-darraysatay inay buuxiso shuruudihii looga baahnaa si ay saamigeeda u hesho ka hor wakhtiga kama dambaysta ah. Markaa hadda wax shaqo ah kuma lahan, laakiin waxa loo baahan yahay in la ogaado in aanay wax lahaanshaha ah
khusayn”.

Sida uu wasiirku sheegay waxaa ka mid ahaa shuruudihii dhaqaale ee lagu dhisi lahaa dekedda oo Addis Ababa ay ku fashilantay in ay ku wareejiso.

Labada dawladood waxay iska kaashadeen shirkadda DP World iyo dawladda Imaaraatka Carabta dib u dhiska dekedda Berbera oo door muhiim ah ku leh isku xidhka badda ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Barigaafrican.co.ke

Berberanews.net
Info@berberanews.com