Xukuumadda Somaliland iyo Mucaaradka oo Heshiis Hordhac ah Gaadhay

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda ayaa xabsiga ka sii daysay hadda Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo maanta la xidhay, sidoo kalena waxay ballanqaadday inay oodda ka qaadi doonto dhammaan xubnaha xisbiyada mucaaradka ee loo xidhxidhay muddaharaadkii Hargeysa ka dhacay Khamiistii shalay.

Sidoo kale, Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna dhankooda hakiyey muddaharaadkii ay ku baaqeen Sabtida berri, isla markaana waxay oggolaadeen inay miiska wadahadallada ku noqdaan.