Dowladda Ingiriiska oo wallaac ka muujisay muwaadiinteeda dilka lagu xukumay

Uk-(Berberanew)-Labo nin oo British ah iyo Marooko oo la qabtay iyaga oo u dagaallamaya Yugrayn ayaa maxkamad ku taal barigu ku xukuntay dil toogasho ah.

Aiden Aslin iyo Shaun Pinner oo British ah iyo Brahim Saaudun ayaa lagu eedeeyay inay calooshood u shaqeystayaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Maxkamadda, oo aan si caalami ah loo aqoonsan, ayaa ku taal Jamhuuriyadda Donetsk ee taageersan Ruushka.

UK iyo Yugrayn ayaa cambaareeyay xukunnada ku saabsan jebinta shuruucda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo maxaabiista dagaalka.

Qoysaska British-ka ah ayaa ku adkaystay inay yihiin xubno muddo dheer ka tirsanaan jiray millatariga Yukrayn oo aanay ahayn calooshood u shaqeystayaal.

Qareenka raggan ayaa sheegay in dhamaantood ay rabaan in ay racfaan ka qaataan xukunka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Russia ee Tass.

Dhammaan saddexda nin waxaa lagu soo oogay inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal, gacan-ku-dhiigle awoodeed iyo inay tababar ku qaadanayeen fulinta hawlaha argagixisada, ayay tidhi RIA Novosti.

Dowladda UK waxay “aad uga walaacsan tahay” xukunnada dilka ah ee lagu riday Mr Aslin iyo Mr Pinner waxayna sii waday inay kala shaqeyso Ukrayn sidii loo sii dayn lahaa labada nin, ayuu yidhi Downing Street.

Afhayeen u hadlay ayaa intaa ku daray in maxaabiista dagaalka “aan looga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed” wuxuuna farta ku fiiqay sharciyada dagaalka ee lagu dejiyay Axdiyada Geneva – kaas oo siinaya “xasaanad dagaal” maxaabiista dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa cambaareysay xukunka oo ay ku tilmaantay “xukun ceeb ah oo aan haba yaraatee wax sharci ah ku fadhiyin”.

“Fikradaydu waxay la jirtaa qoysaska, waxaan sii wadeynaa inaan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan u taageerno.”