Musharrax Cirro Oo Kashifay Xoggo la xidhiidha dil uu Ka Bad-baaday

Hargeysa (Berberanews) Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku day dil,kaas oo uu soo qorsheeyey Madaxweyne Biixi, isla markaana uu rabbay in laggu khaarajiyo Musharrax Cirro

Musharrac Cirro ayaa sheegay in aanu arrintaas ka hadhi doonnnin,waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa kaas oo u dhignaa sidan:-“Muuqaalkan waxa uu marag & markhaatiba u yahay in isku day dil maanta la iila badheedhay anniga iyo ilaaladeyda badhtanka Caasimadda Hargeysa, ayna caddahay in ay tahay shirqool ka yimid Muuse Biixi, fulintiisana uu u soo dhiibay inanka uu adeerka u yahay ee Taliye Ku-xigeenka RRU-da ku magacaaban, balse waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas ee uu Muuse soo qorsheeyey, Khadar Laangadhe-na u soo dhiibay. “

Waxaanu intaas ku sii darray “Arrintani waxa ay daaha ka qaadday xogaha aan haynnay ee tilmaamayey in Madaxda ugu sarreysa Mucaaradka dilal qorsheysan lala beegsan doonno Waa loo joogi arrintaasi halka ay Somaliland dhigto!”ayuu yidhi Cirro.