Kulmiye iyo Kacaankii isku kaan Noqde  “Muddo-Haraad”.

Qormadani waxay ku xidhiidhsantahay Qormadii ciwaankeedu ahaa (Muuse Siduu U Yimi Kulmiye Iyo Kacaankii isku kaan Noqde), qormadaa hore waxa ay ahayd Nofenbar 2018 kii mudo yar kahor intaanu Mudane Muuse Biixi kursiga ku gu’jirsan, waxa layidhi ciddaan waxa soo socda sii saadaalin waxa la sugana sahal kuma gartaan, Hadaba iminka oo mudo xileedkii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland loo igmaday gaabaabsi tahay, ayuu u muuqdaa Xisbi Xaakimka Kulmiye mid Afka sii saaray wadadii uu ku bariiqday Xisbigii kali taliska askarigii Kacaanka shuuciga ahaa uu horkacaayey oo kale, Maxaa yeelay kol hadii komiishankii doorashooyinka gebi ahaanba meesha laga saaray kuwo diwaangelin jujuub ah oo Xukuumadu dulandulcaynaysana intii miiska madaxweynaha lagu dul dhaariyey badhkii hore sadexdan danbe ee iga dabogee da ahna malahay iyagu Dhaar uma baahna? ileen Xeer ayku shaqo galaanba ma jiree! Bal waa meel ilaahay wax ka wado ee aynu naawilno Kulmiye, Kolay Sabeeniba hooyadeed u Sasaan eeg, Hubaal Ardayna macalinkiisa waa la Arag iyo Aqoone!, Kulmiye iyo Kacaankii isbarbar dhigooda wax lakala gurikaro oo kala dhamaanaya maaha se Bal Kacaankii Galbey, ee aynu eegno Kulmiyahan Siyaasadii ku dhago barjoobay ee saaxadii xukunka dumuqraadiga ku Rafanaaya ee shacabkii qabyaalad iyo xajiimayn kula galgalanaaya, Kulmiye sidii Kacaankii qori caaradii Dalka kumuu qabsan se far baa khad loo daray, isaguna shacabku inay dhegta dhiig isku daraan ayuu rabaa, qarnigan 21aad ee aduunka wax qabad  codle iyo doorasho dumuqraadiya kursi lagu hanto laguna Fadhiyo,ayey Kornayladan Kulmiye ay Kacaanayn wadaan, se ninkii food ku yimi ayey food la’aantu dhibaysaayoo wakhtigiisu dhamaanayaa oo dhaqaaqi doona ee Mudane Muuse yaa ugu dhaarta doorasho ayaad ku timid doorasho la’aan ku joogimaysid se doorasho kale Hadaad hesho waad kusii joogi kartaa, se runtii doorasho la’aan Dalka iyo hiyigeenii ictiraaf ayey dhantaalaysaa, se kuwa kugu xeersani halaasi beena, durbaano, sacab iyo mashxarad ayey kula hareero joogaan oo ka joog taa Kornayl ku odhan karimaayaan, Mida kale Mudo-Haraad iyo banaanbax dhaqankeena inkabadan kumanaan sanadood ka midka ahaa ayaa maanta layidhi lama ogola oo maaha wax shacabku garanayaan!, Runtii Kulmiye hogaankooda sare Askar Dhalintii Kacaanka ah waanu ku ogayn se inay dhaqanka Agno ka yihiin ayaa lawada ilduufay, ee Bal aynu dhaqan celino xubnaha sare ee Xisbi xaakimkeena,

Mudo-Haraad, Roob-doon, Dabaal-Deg, Isku-soo-Bax, Banaan-Bax iyo Alle-Bari  intuba waa wax Ummada kulmisa oo isku dhaabta oo dhaqanka Hooyo ku qotoma oo aynaan ka kororsan Dimuqraadiyada Maxaa yeelay Dhaqankeena Duuga ah ama Facaweyn ee Kumanaanka sano jira waa wax ku dhigan oo ku dhidban una sal ah xoriyada iyo wax wada lahaanshaha iyo isweheshiga walaaltinimo, ee ay ka Caagan tahay is jujuubka iyo ismuquurintu, Dhaqankeena Hooyo waxa ka reeban oo ku jirin Xeer Been ah, balan been ah, daacad la’aan, wacad laawayn, isku dir, is khiyaamayn iyo wax kasta oo wiiqi kara Midnimada Ummada,oo halku dhiga ah Qawl laawe waa Diin laawe ayaa u sal ah, hadaan u soo noqdo Erayga xukuumada  kulmiye saska ka qabto ee Mudo-Haraad = (mudo-oon, biyo la’aan, Abaarsi iyo Cir-gudhan) waa eray kasoo jeeda afkii xoolo dhaqatatii beri samaad, waana afkii Hooyo, dadkaynaa hore ee aynu ka joognaa waxa ay ahaayeen dad Illaahay ku xidhan, Daacad ah, niyadsan oo uur xaadhan, sidaa aawadeed Illaahay waxa ay ka dalbadaan ama ay weydiistaan ee ay ka tuugaan Illaahay wuu ugu deeqi jiray, markaa Dhaqankeena Duuga ah waxa ku xusan in Dadku isku-soobax ay samayn jireen ay usoo baxi jireen Ilaahay iyaga oo Madaxdoodu hormood u tahay ama horkacayaan oo raxmada Illaahay ee ay u jeel qabaan Mudo-Haraad kooda ku muujinaaya Banaan-bax=(goob banaan iskugu wada imaatin) oo yar iyo Wayn loosoo wadabaxo Alle-Bari Roob-Doon oo Illaahay raxmadiisa lawaydiisanaayo si ilaahay uga jabiyo Mudo-Haraadka, iyo abaarta asiibtay, Alle mahadii weeye illaahay markiiba wuu ugu deeqi jiray waxa ay adoomihiisu waydiistaan oo cirka ayuu maraqa uga furi jiray oo uu ku maashayn jiray Nimco adoomihiisa, marka ay nimcada ilaahay helaan ee dhulku baad iyo biyo yeesho, Mahadin Illaahay ayey u Dabaal-degi jireen iyaga oo ku faraxsan siduu Eebe u barwaaqeeyey, Hadaba iminka dhaqankii suubanaa ee tubta Alle ee toosan ku aroorsanaa iyo qaab dhaqameedkii wax lagu dalban jiray ama lagu caban jiray aduunka, ee Iskusoo bax, Mudo-Haraad iyo banaan bax, ee qaab Dhaqameedkeena ahaa, ee kumanaanka sano aynu ku dhaqmi jirnay, ayaa maanta layidhi mataqaanaan, ee car waa cidda Iskusoo baxda ee Mudo-Haraad laga maqlo!, Banaan-bax, Mudo-Haraad, iskusoo-bax waa dhaqankeena oo waa diinteena oo Maalintii Shan jeer ayeynu goob ama Masaajid ilaahay ku wada caabudnaa, inaka oo wadar ah, Maalinta Jimcaha ahna Caabudaada Alle, Baryadiisa, wax isku sheeg,  kala warqaadasho iyo iska War hayn ayeynu shaqo iyo wax walba u hakinaa oo iskugu soo baxnaa inaka oo xor ah, waxa se yaab ah Iskusoo baxii Diinteena suuban iyo Dhaqankeena suuban Udub dhaxaadka u ahaa ayuu Kulmiye maanta yidhi Iskusoo bax mataqaanaan ee yaan Dib laydinku arkin!, Waa yaab!, malaha waxa xigi wixii laydinku shubay ayaa laydinka shubi ileen Waakan Kulmiye iyo Kacaankii isku kaanka Noqdaye!. 

Askariga Danbe Askariga Hore socodkiisuu leeyahay!. 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com