Dr Gabboose oo ka digay halista ka dhalan karta muddaharaadyada

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka BARWAAQO, Dr.Maxammed Cabdi Gabboose, ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta mudaharaad aan loo marin sifaja sharci ee dalka u yaalla.

Dr Maxamed Cabdi Gabboose, waxa uu farriin u diray waalidiinta in dhibaatada ka dhalata mudaharaadku ay saamayn ku yeelan doonto ubadkooda uu tacabku kaga baxay barnaarintooda.

Dr Gabboose oo arrimahaa ka hadlayaa ayaa yidhi sidan:-

“Waxa aan shacbiwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanayaa, waxa aan hooyooyinka ubadka dhalay ka codsanayaa, waxa aan waalidiinta barbaariyey carruurtooda ee uu dedaalka badan kaga baxay barbaarintooda iyo waxbarashadooda in ayna halaagin ubadkooda, in qoys walba ubadkiisa u sheego in berrito dhibaatada ku dhacda su’aalo badan ay ka imanayaan oo yaa ka masuul ah inanka dhaawacma inanta dhimata kuwa laysla jiidhay yaa ka masuul ah?
Sidaa awgeed, shacbiga JSL waxa aan ka codsanayaa in muddaharaadku wadiiqada uu leeyahay ay tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas haddii laga leexdo shacbigu haku talogalaan in uu noqdo muddaharaad ay ka dhashaan fawdo iyo dhibaatooyin kale.”